Sawiro:Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaliya oo si rasmi u furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si rasmi ah u furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wakiillada ib ka badan 50 dal iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.

Shirka oo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, ayaa loo soo raray Soomaaliya oo hadda soo gaartay heer ay marti gelin karto shirarka heerkoodu sarreeyo amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna isla qireen in Soomaaliya sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay.

ay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.