Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Kenya, Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho kula kulmay ergo ka socota dalalka Masar iyo Kenya, Bangiga adduunka iyo ururka iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

Ergada oo dalka u yimid ka qayb galka shirka madasha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa bogaadiyay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tillaabsaneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ergada uga mahad celiyay kasoo qayb galkooda shirka madasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo ah kii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa lagu qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.