Dhageyso:Gen Odawaa “Maydadka Argagaxisada Al-Shabaab waa Xad dhaafay

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa maanta barqadii isku dayey inay weerar ku qaadaan Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose balse Ciidanka oo ka warqabay dhagarta Argagaxisada ayaa weerarkaas ka hortagay.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliye Odawaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.