Daawo:Maalinta uu furmayo Shirwyanaha dib ushiisiinta galmudug oo lagu dhawaaqay

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka  mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir

Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, la diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019.

Guddoomiye Baadiyow ayaa Sheekh Shaakir iyo dhammaan reer Dhuusamareeb uga mahad celiyay sida ballaaran ee  ay isaga xil saareen qorshaha diyaar garowga shirka, waxa uuna reer Galmudug guud ahaan ugu hambalyeeyay heerka wanaagsan ee lasoo gaarsiiyay dadaallada loogu jiro dib-u-heshiisiinta bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.