Daawo:Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muuddeey’’ oo Maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka Turkiga ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa waxaa Garoonka aya Diyaaradaha ee Magaalada  Muqdisho kusoo dhoweeyay Wasiirro iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo Xildhibaannada soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.