Dhageyso:Kenya iyo Carabta qarkood oo kabaqaadyo adeegsanya

Kenya iyo Carabta qarkood oo kabaqaadyo adeegsanya Wixii Shacabka Somaliyeed samayn lahaayeen baa dhiman!!

Ilaa sanadkii 2009 dawlada  Kenya waxay qorsheyneysay sidii ay ku qaadan lahayd qayb ka mid ah biyaha badda Soomaaliya oo khayraad ka buuxo,waxayna qaaday tilaabooyinkaan;-

1-Waxay laaluush siisay madax waqtiga sare aan ku xusay xilal sare hayey oo la wada ogyahay magacyadoodana aan halka in lagu qoro qofna u baahnay.

2-Waxay soo jeediyeen keenaya iyo kabaqaadyo ay wadatay in badda Soomaaliya qayb ka mid ah ka wada hadlaan labada dawladood,laakiin golahii shacbka ku meelgaarka ahaa baa dkiiday.

3-Waxay isku dayday in aan maxkamada ICJ ee caalamigaa aan dacwadaas la gayn,laakiin dawladahii kala danbeeyey ee kumeelgaarka ka baxay arintaas dhegaha bay ka fureysteen,murankii badda Soomaliya ee keenaya Sheegatayna waxay geeyeen Maxkamada ICJ.

4-Keenya waxay quus ka taagan tahay dacwadaas maadaama ayan wax sharciya oo ay ku doodo ayyan haysan.

5_ Waxay dalkeeda ka mamnuucday Siyaasiyiinta Soomaalida ee diidan in baddayada iyo dhul kayaga qayb ka mid ah la qaato.

7-Waxay  dalkeeda ku shirisay  kabaqaadyo ogol in ay Keenya qaadato badda Soomaaliya qayb ka mid ah oo khayraad badan ku jiro.

8- waxay hadda abaabuleysaa in kabaqaadyada aad ugu dhagaha  nugul Neyroobi iskugu keento,ayyada oo dawlada Imaaraadku bixineyso lacago lagu laaluushaayo si ay uga horyimaada madaxda qaranka ee ku taagan wadada difaaca biyaha iyo dhulka Soomaaliya!.

9-Keenya waxay ku dhawaaqday in shacbiga Soomaalida ee ku dhaqan Gobolka Gedo ee ka dhiidhiyey dhulbalaarsiga Keenya ay awood milatari u adeegsan doonto,ayyada oo damacsan in ay qabiil gaara beegsato,qabaa,ilka kalana u sheegto in aan ayyaga loo danlahayn,(sow saddexdii dibi iyo libaax qisadii shex martay maaha?

Isku soo wada duub shacbiga Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan culumada iyo dhalinyarada,isimada iyo aqoonyahanka meel kasta ha ku noolaadeen waxaa laga sugayaa jawaabta ay siinayaan Keenya iyo kaba qaadyadood magaca ummadda Soomaaliyeed sita oo dhamaantood ka mid ah ardaydii Korneyl Gabre oo ee loo tababaray hagardaamada Dalka Soomaaliya (AYAX TEG EELNA REEB)

Wabilaahi towfiiq Jimcaale,London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.