Qarax lagu weeraray Boosaaso iyo Deni oo ku mashquudhan Qaraabasho

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland G ayaa waxaa xalay kadhacay qarax xogan oo laga maqlaayey Magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay kadinka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Boosaso ayaa xaqiijiyay qaraxaasi inuusan ka dhalan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah & Ciidanka Taliyaha.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa balanqaaday hadii ladoorto inuu Amaanka wax ka qabanayo balse badalkeeda waxuu kandoorbiday inuu kaqaraabasho doonto mar uu imàradka aado iyo Mar uu ka shaqeeyo qilaafka dowlada iyo maamul goboleedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.