Ciidanka Xooga dalka ayaa Howl-gal Waddo Sifeyn Ah Ka Fuliyay Waddada Isku Xirta Jowhar Iyo Muqdisho

dagaal

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  (CXD) ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo
caddaaladda  iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad
ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada dheer isaga
cararay Maleeshiyaadkii Shabaab ee shacabka ku dhibaatayn jiray.

Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay
shacabka ku dhaqan goballada Shabeellooyinka ay ka dul qaadaan cadawga,
ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo
Ceel-Geelow si looga hor tago dhibaata dambe oo loo gaysto gaadiidka iyo
dadka safarka ah ee isaga goosha magaalooyinka.

CXD oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha
xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor  xoreeyeen deegaanka Bariire
ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan bad-baadada
dhiigga iyo hantida Shacabka ayaa sii wadaya baacsiga argagaxisada ilaa
laga saaro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.