Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada ayaa maanta la soo gaba-gabeynayo

mahdi

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay hadalkiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada.

Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada.

Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.