Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa ka warbixiyey Hawlaha Horyaala Barlamaanka Somaaliya

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ugu horeyn kulanka furay ayaa sheegay in Golaha kalfadhigan shanaad ay horyaalaan howlo fara Badan oo ay mid yihiin sidii dalka loogu diyaarin lahaa hanaan doorasho qof iyo cod ah sidaas daraadeedna xildhibaanada golaha looga baahanyahay in ay ilaaliyaan waqtiga kulamada golaha si loogu guuleysto howlaha golaha horyaala.

Intaasi kadib Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha ganacsiga,waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan beene beene oo ah Guddoomiyaha Guddiga ganacsiga dhaqaalaha,warshadaha iyo maalgashiga ee golaha shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa xubnaha Guddiga weydiiyay su’aalo ku saabsan hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ka doodista Ajendaha maanta iyo maadaamaa uu aad dalka muhiim ugu yahay.

Sidoo kale Xidhibaanada Golaha shacabka ayaa Waxaan loo qeybiyay Xisaab xirka sanadka 2017-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.