Daawo:Madaxwaynaha Somaliya ayaa la dardaarmay Qaar ka mid ah ardada iskuulada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.