Maleeshiyo Beleed oo labo Sarkaal oo katirsan Soomaliland ku dilay Gar-Adag

Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi ayaa la dilay Maanta.

Sidaa waxa Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Suldaan Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Muxumed oo ay ehel yihiin labada Sarkaal ee Geeriyooday.

Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi, Gaashaanle Cabdillaahi Axmed Tallan iyo Gaashaanle Nuur Aw Cali Nuux, ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Magaalada Gar-adag, iyagoo ka cabsi qabey in loogu aaro Ganacsade ku Geeriyooday xabsiga Ceerigaabo oo Magaciisu ahaa Cali Ciid, kaasi oo Maanta la aasay.

Saraakiishan oo hanjabaado soo gaadhay u fakaday, ayaa la sheegay inay dileen Maleeshiyo is abaabushay oo ay isku beel yihiin Ninka Ganacsadaha ah ee Xabsiga Ceerigaabo ku dhex Geeriyooday, kaasi oo markii hore loo xidhay inuu Gacan u qaaday mid ka mid ah Saraakiisha la sheegay in Maanta la dilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.