Shaqaalihii idaacada Kulmiye oo iskaga Cararay Idaacada kadib markii Cabsi soo wajahday

Kulmiye

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in shaqaalihii idaacada Kulmiye ay iskaga baxsadeen Idaacada Kulmiye kadib markii ay soo baxday war sheegaya in ciidamada amniga ay kusoo wajahan yihiin xarunta idaacada Kulmiye.

Qaar kamida wariyassha idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxay tabiyeen war la sheegay inuu been abuur yahay kaas oo ahaaa inuu Ra’iisalwasaraha Soomaliya iscasiliyo taas oo kaliftay in Agaasimihii idaacada Kulmiye ahaana maareeyaha Golaha murtida iyo Madadaalada in xilka laga qaado.

Lama saadaalin karo waxa xaalka idaacada Kulmiye Noqon doon mana jiraan wax raali galin ah oo idaacada kasoo baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.