Warbixin Kooban Safarkaygi Gobalka Gedo.Q5 W/Q Ibrahim adaan Shire

ibraahim

Qormadi inoo danbaysay waxaan ku sheegnay inaan ku xijin doonno adeegyada biyaha iyo korontada. Waxaan si gaar ah ugu xusayaa labadaan adeeg muhiimmadda gaarka ah ee ay u leeyihiin nolosha aadanaha iyo inay halbeeg u yihiin horumarka ummadi samaysay. 
Dabka
Gobalku horumar muuqdo ayuu ka sameeyay xagga quwadda dabka. Inta badan magaalooyinka waaweyn waxay leeyihiin koronto joogta ah oo hal shirkad ay bixiso. Baladxaawo iyadu waxaa ka howl galo labo shirkadood oo marki hore hal ahaa haddase labo u kala baxay. Shacabku wuxuu helaa koronto joogta ah oo la isku hallayn karo.
Sidoo kale, dagmada Luuq ayaa iyaduna intaan gobalka joogay loo dhammaystiray galinta dabka iyadoo heshay quwad koronto oo si joogta ah la isugu hallayn karo. Garbahaareey oo muddo dheer qabtay baahi koronto ayaa iyaduna hadda shaqo wanaagsan ka socotay. Waxaa gabo gabo marayay xiridda koronto saacad walba ah. Awal (xataa intaan anigu joogay) korontadu waxay joogtay saacado kooban oo waliba aad u yar. Arrintaas shacabku aad ayuu ugu dhib qabay gaar ahaan ganacsatada iibiso waxyaabaha qaboojiyaha u baahan. 
Shirkadda Luuq galisay korontada oo lagu magacaabo Raasamaal Electricity (Shirkadda Dabka ee Raasamaal) ayaa Garbahaareeyna ka wadday. Waxaa xusid mudan in shirkaduu ay ku dadaashay yaraynta khatarta korontada. Raasamaal waxay keentay tiirar aad u dhaadheer oo dhinaca Kiinya laga keenay. Tiirarkaan ayaa waxay baddalayaan birihii baalllyooinka ee leyrarka lagu xiri jiray. 
Baallooyinkaan cusub ayaa ah kuwa aad uga dheer kuwii hore meel fogna geeyay fiilooyinka dabka wada oo awal gaari jiray madaxa baabuurta rarka waddo. Baallooyinkaan waxaa ku baxay qarash aad u badan waxaana laga soo safriyay cirifka fog ee Kiinya. Taasi waxay caddayn u tahay in Raasamaal aysan faaiido doon kaliya ahayn ee sidoo kale masuuliyad iska saarayso khatarta la socoto adeeggeeda. 
Meesha dhaliisha leh waa in ilaa hadda lagu tiirsanyahay matoorro naafto ku shaqeeyo. Matoorradu waxay dhib weyn ku hayaan bi’ada iyo fayo-dhowrka. Waxaa fiicnaan lahayd in la helo soolar taasoo qiimaha, caafimaadka iyo bi’adaba u fiican.
Biyaha 
Biyuhu waa halbowlaga nolosha aadanaha. In biyuhu nadiif yihiinna waa mid ka mid ah halbeegyada ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka aadanaha. Tobanki qofba saddex (2.1 bilyan) dadka dunida ku nool ayaan haysan biyo nadiif ah. Gobalku wuxuu ka midyahay meelaha dadka aan haysan biyo nadiif ah ku noolyihiin. Baladxaawo waxaa laga cabbaa booyado ilaa hadda oo biyo galin ma leh. 
Meesha kaliya ee ka duwan waa Garbahaareey. Dagmadu maanta waaxaa lagu tirin meelaha biyaha nadiifka ah laga cabbo. Waxaa loo sameeyay biyo-galin gaartay qoys walba oo iska bixin karo. Waxaan ogahay in dad badan wax tabanayaan balse inta aadan ka faalloon akhri qormadi inaan isku soo dhacno ayay u badan tahaye.
Muddo labo asbuuc ah ayaan isu dayay inaan fahmo sida Raasamaal u anfacday baladka. Labo arrimood ayaa keenay inaan xil gooni ah iska saaro biyaha. Tan hore, safarkaan kii ka horreeyay dadku washaaqo ayuu ka cabbahayay marka bal in laga raysatya washaaqadi iyo in loo darsaday inaan kala fahmo ayaan rabay. Labo, Sheekh Xasan Axmed Nuur oo ah madaxa shirkadda Raasamaal Garbahaareey ayaa iga codsaday inaan u ku guurgalo shaqada shirkadda iyo sida dadku u arkaan.
Si aan u helo xog waafi ah, waxaan waraystay dhammaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan garabyada kala duwan ee culimada, iskoollada, hooyooyinka iyo dhalinyarada iyo waliba madaxa caafimaadka ee dagmada. Xog aruunintaan ka dib waxaa isoo baxay in imaanshihi Raasamaal lagu raystay. 
Biyo-galintu waxay qayb muhiim ah ka qaadatay koritaanka dagmada. Xaafado marki hore in la dago laga fogaan jiray ayaa maanta noqday kuwa ugu dhul qaalisan. Tusaale, 3 sano ka hor mar aan tagay dagmada, dhulku wuxuu qaali ahaa dhinaca galbeed, dhinaca bari ayaana ahaa kan ugu jaban. Sababta ayaa ahayd in washaaqada laga cabbo ay ku taal daanta galbeed ee dagmada. Karreetada biyaha soo qaaddo qiimaha ay ku iibiso waxay ku salaysnaan jirtay hadba inta masaafaudu u jirto ceelka ay biyaha kasoo qaadday. Sidaas awgeed, qoyska daggan ceelka korkiisa haddii uu karreetada ku shuban jiray hal doolar kan ku daggan daanta bari wuxuu ku heli jiray doolar iyo bar. 
dhibki noocaas ahaa maanta meesha wuu ka baxay oo biyo-galintu waxay gaartay cirifyada dagmada (togga ayaan wali la goysiin oo cillad farsamo u xayiran). Bari iyo galbeed isku qiimo ayay ku helaan biyaha sidaas ayaana keentay in dhulki ku yaallay bariga dagmada iyo kii u yaallay dhinaca koofureedba uu qaali noqdo.
Biyagalintu sidoo kale waxay door muhiim ah ka cayaartay fayo-dhorka dad weynaha. Shuban biyoodki dillaaci jiray waqtiga kulaylaha ayaa meesha ka baxay tan marki biyaha la sifeeyay. Waxaa laga raystay biyihii badna ee qaarba meel loo dooni jiray. Dhaqtar ka mid ahaa dadkaan waraystay ayaa igu yiri “Raasammaal ka hor waxaan shubi jirnay afar biyo oo kala jaad ah. Kuwo matoorka ka yimaado oo dharka kaliya lagu dhaqdo maadaama aysan cabbitaan galin. Kuwa washaaqada oo dadka waaeyn iyo caruurtu ay cabbaan, kuwo caagadaysan oo aan u iibin jiray ilmaha lixda bilood ka yar si caanaha loogu qaso iyo ceel la yiraahdo afweyne oo haweenku si gooni ah biyihiisa u cabbaan.”
Anigu intaan joogay naftayda ayaan u dareemay faaiidada biyuhu ay keenaan. Safarkaan kii i xigay ee aan carrada ku tagay waxaa i dilay oon. Ma jirin biyo la cabbi karo oo aad aktaada ka helaysay. Mar walba suurgal ma noqon karin inaad haysato biyo caagadaysan oo aktaada yaal. Safarkaan waxaan ka cabbayay fuustada hooyaday u tiillay waayo waxaa ku jiray biyo jidiinka mari karo oo nadiif ah. Si kooban shirkaddu waxay soo kordhisay biyo macaan, nadiif ah, qiimo jaban oo gurigaada kuugu yimaado. 
Ha yeeshee, tabasho waa jirtaa. Dad badan oo aan la hadlay ayaa ka cowday in adeeggu xunyahay. Maahan shirakdda iyo biyaha waxa xun ee waa macaamilka dadka gacanta ku hayo sida ay ku andacoodeen. Arrintaas ma beenin karo mana rumayn karo laakiin waxaan la wadaagay xogteeda oo faahfaahsan maamulaha guud ee shirkadda inuu wax ka qaban doonana way rajaynayaa Eebbe idinki. 
Dareen kale oo jiro ayaa ah in badan aaminsayihiin in shirkaddu ay isticmaalayso ceelki dagmada ee ay dowladdi dhexe qodday. Dadkaas waxay u arkaan in hanti dad weyne loo gacan galiyay shirkad gaar loo leeyahay sirkadduna ay faaiido xad dhaaf ah ka doonayso dadki ceelka lahaa. Doodda noocaan waa mid xaqiiqda ka fog. 
Ceelku muddo dheer ayuu meesha ku yaallay dadkuna ka oommanaa. Maalka maanta sida uu yahay looga dhigay maahan mid caqliga dadka hadda qaylinayo ay sawiran karaan. Nus malyuun lacag ku dhow ayaa lagu soo gaarsiiyay meesha uu maanta joogo. Lacagtaas oo lafaha ah in laga helo biyaha  waxay qaadan sanado badan. Midda labaad ceelku inuu shaqeeyo wuxuu u baahanyahay bil walba adduun gaarayo dhowr iyo toban kun oo doolar oo isugu jiro shidaal iyo shaqaale. Haddii aysan jirin cid si gooni gacanta ugu hayso suuragal ma noqoteen in lacagtaas loo helo ceelku si uu u shaqeeyo. 
Ugu danbayn dhibka ugu badan ee hadda shacabka haystay waa xaabada. Keenidda xaabada waxaa monobili ku haysto dadka yar. Dadkaas markay rabaan ayay keenaan. Waqtiyada beero gurashada ilba lama saaro. Intaan joogay waxaan arkay dad dariiqyada baladka laga soo galo u taaggan xaabada soo galayso si aan looga hormarin. Waxaan hubaa haddii shirkad dhibkaas dadka ka saarto la helo in sida Raasamaal loo hiifi lahaa. “AADMIGU WAA DAKANE ABAAL”
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.