
Ra’iisalwasaarahah dalka Itoobiya Dr. Abyi Axmed iyo wafti uu hogaaminayey ayaa shalay soo dagay garoonka diyaarahada ee caasimada deegaanka Soomaalida ee jigjiga.
Ra’iisalwasaraha Itoobiya Dr. Abyi Axmed ayaa ujeedada socdaalkiisu ahayd kasoo qayb galka xiritaanka shirwaynihii 10aad ee Xisbiga Dimuqradiga Soomalida (SDP).
Waxa uu Ra’iisal wasaaruhu u sheegey shirweynaha in uu wajiyadooda ka garanayo farxada ka muuqata iyo sida ay isbadalka uga qayb qaateen, waxa uu intaas ku darey in uu sanad ka hor yimid magaalada Jigjiga wax weyna ay iska badaleen mudadaas.
Sidoo kale waxaa uu aad ugu mahad ceshay ergooyinkii kala duwanaa ee ka soo qayb galey shirweynihii xisbiga.
Leave a Reply