Kiiska Badda ma laga soo celin karaa ICJ, hadii laga xukumo Kenya oo ay diida Xukunka maxaa la samayn?.

Dad badan ayaa is waydiinayo Sharci ahaan in Dacwadda ICJ laga soo laaban karo iyo in kale.
Maxkamadda Qaramada Midoobay ee ICJ waxay gashaa Dacwadaha ka dhaxeeyo Dowladaha bas ah. waxayna u qeyb-samaan sedax markii Dacwad laga furaayo Dowlad:
1. Dowlado u baahan in ay ku heshiiyaan in ay Dacwoodaan ” Special Agreement”. Waana Dowladaha aan xubinka ka ahayn Qaramada Midoobay.
2. Dowlado Aqbalay mar hore in ay u Hoggaasamayaan Dacwad kasta oo ka dhalato ” Pre-earlier commitment”.
3. Dowlado qasab ay ku tahay in ay u Hoggaansamaan “Voluntry declaration”. waana Dowladaha Nidaamka saxiixay oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana xusayo Q. 94-aad ee Cahdiga UN-ta ” Uniter Nation Charter”
Hadaba Kenya iyo Soomaaliya waxa qasab ku ah in ay u hoggaansamaan Awoodaha Maxkamadda ee ku xusan Xeerka Maxkamadda Q.36/37. Sidaas darteed Kenya waa laga diiday is hortaagii Awooda Maxkamadda ” Jurisdiction”.
Malaga laaban karaa Kiiska ka furan Maxkamadda ICJ?.
Sida uu qabo Q.95-aad ee Cahdiga Qaramada Midoobay “UN Charter”, Dowladaha way ku dhamaysan karaan Dacwahadahooda meel ka baxsan Maxkamadda hadii ay ku heshiiyaan.
Waxaana u furan in heshiiskooda laga diiwaan galiyo Maxkamadda iyo in ay Dacwadii la laabtaan, lagana saaro Jadwalka Dacwadaha.
Xukunka Maxkamadda Rafcaan malaga qaadan karaa?.
Maxkamadda ICJ rafcaan lagama qaato. Waxa kaliye ee u furan Dowladda waa dib u eegis u baahan shuruud adag iyo in Maxkamadda ka shirto in la aqbalo.
Hadii Xukun soo baxo mala diidi karaa?.
Sida ku cad Q.94, Faqradiisa 2-aad ee Cahdiga UN-ta, hadii ay diido Dowlad kamid ah Qaramada midoobay Xukunka Maxkamadda, waxaa fulintiisa loo gudbinayaa Golaha Amaanka ee QM.
Kuwaas ka qaadi doona tillaabooyinka ku haboon. Waxayna markaas noqonaysaa Arin qatar ku ah Nabadda iyo Amniga adduunka.
Cali Sheikh aadan yusuf ” Cali Somali”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.