Madaxweynaha Somaliya oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina

Farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii waxashnimada ahaa ee ay argagaxisadu ka fulisay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf  oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.