Daawo:Shir horumarinta Beeraha Somaliya oo lagu qabtay Muqdisho

bardheere

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo shirka daahfuray ayaa ka hadlay muhiimada kulankan, wuxuuna dhinaca kale sheegay in ay dowaladda Soomaaliya ka go’antahay in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka si loo gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.
Wasiirada Beeraha ee dowlad goboleedyada Hirshabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo dhankooda shirka ka hadlay ayaa si wadajira u soo dhaweeyay kulankan, waxeyna sheegeen in ay raali ka yihiin in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dowaladda dhexe si loogu guuleysto mashruucan lagu horumarinayo Beeraha iyo waraabka Soomaaliya oo ay maalgelineyso midowga Yurub isla markaana ay fulintiisu leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.