Muqdisho:Rag dilalka u qaabilsan Shabab oo gacanta lagu soo dhigay

Shabab

Kooxdan oo ka koobnaa saddex dhalinyaro ah ayaa xalay lagu soo bandhigay Saldhigga degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in kooxdan la soo qabtay, xilli ay doonayeen inay toogtaan Haweeney qaad iibineysay oo ka mid aheyd ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Hirshabeelle.

Saddexdan dhalinyaro ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ay ku howl galayeen Mooto bajaaj, xilliga ay doonayeen inay dilaan haweeneyday ay u dhici weyday bastoolada

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Shuceyb C/llaahi Xaaji oo loo yaqaano Maxamed, waxaa uu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Wadajir, waxaana uu dalbaday in la cafiyo.

Ninka labaad ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Maxamed Aweys oo naaneystiisa loo yaqaano yaxye ayaa sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Ninka saddexaad Maxamed Cusmaan Macalin oo loo yaqaano C/weli ayaa sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa u kala gudbinta Hubka ayaa sheegay inuu hubka u geynayay dadkii fulin jiray dilalka, isagoo isticmaali jiray Mooto bajaaj.

Haweeneyda ka badbaaday falkan ayaa uga mahad celisay Ciidamada Booliska qaabkii ay raggan gacanta ugu soo dhigeen, isla markaana ay aheyd hooyo todobo carruur dhashay, waxaana seygeeda ahaa askari ka tirsan ciidanka Booliska.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax ayaa sheegay in raggan ay muddo sanado ah dilalka ugu badan ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.