Ganacsatada khaadka ee dalka Kenya oo u Hanjabay Somaliya

qaad

Ganacsatada qaadka Kenya waxa ay ku hanjabeen inay joojinayaan qaadka ay keenaan Somaliya.

Afhayeenka Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa Warbaahinta u sheegay haddii Somaliya ay sii wado muranka dhanka badda ee Kenya kala dhaxeeya, inay joojinayaan qaadka ay keenaan dalka.

Waxaa mr Kimathi Munjuri , sheegay in Soomaaliya ay markasta Kenya ku handado joojinta Qaadka Kenya.

“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yiri mr Kimathi Munjuri.

Qaadka Kenya ee Soomaaliya soo gala maalin waliba waxaa lagu sheegay 50 tan in uu gaarayo waxaana dowladda Kenya maalin kasta ka heshaa Suuqa Qaadka Soomaaliya 100-Milyan oo shilinka Kenya ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.