Qaar kamida wadooyinka Muqdisho oo xiran

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somaliya ayaa saaka xiray wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo gaadiidka rayidka isticmaalkooda loo diidayaa.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada iyaga oo taagan, waxaana wararka ay sheegayaan sababta wadooyinka loo xiray inay tahay madaxda Dowladda inay dhagax dhigi rabaan wadooyinka isku xira Muqdisho & Jowhar Muqdisho Afgooye oo dib u dhis lagu bilaabi doono.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, Wadnaha 30-ka iyo qaybo ka mid ah wadada Warshadaha oo Ciidamo badan la dhigay.

Xilliyada madaxda dowladda Federalka Somaliya ay marayaan wadooyinka Magaalada gudaheeda ayaa inta badan loo xiraa wadooyinka, iyadoo taasi ay noqotay dhaqan joogto ka noqday Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.