Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay wafdi Finland ah

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.