Caabudwaaq:Wafti Hogaminayo wasirka arimaha Gudaha oo kulan la leh ugaaska iyo waxgaradka

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Faderaalka iyo dibu heshiisiinta Dawlada Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod) Wasiir kuxigeenka wasaaradda xanaanada Xoolaha Ahna Mudane ka tirsan baarlamaanka Cabdikariin Qakiif Cabdi (Dhalac) ayaa goor dhaw soo gaaray degmada Caabudwaaq.
Waxaana ku soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq Waftiga qaybtiisii kale oo ku sii sugnaa Degmada, Waxaana hogaaminayay Sanatar Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) iyo Ex Wasiiru Dawlihii hore ee Madaxtooyada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan iyo Masuuliyiin kale.

Waftiga oo joogi doona degmada saacada kooban ayaa kaga dhawaaqi doona Caabudwaaq qodobo ay ugu muhiim san yihiin.
1- Xabad joojin guud
2- Madasha iyo waqtiga la qaban doono shirka dibu heshiisiinta beelaha iyo Qodobo kale
warbintii Cabdikariin Bulxan
cw

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.