Yariisow oo Casho Sharaf Sagootin ah u sameeyey Kooxda Kubbadda Cagta Som United 

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u sameeyey Ciyaartooyda iyo Macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ee ka dhisan dalka Sweden xaflad casho sharaf ah oo lagu saagootinayey.

 

Eng. Yarisow ayaa xusay intii ay joogeen magaalada Muqdisho Cayaartooyda Som United kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen isdhexgalka bulshada, isagoo kula dar-daarmay in ay sii joogteynta booqashooyinka ay ku imaanayaan dalkooda Hooyo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay cayaaruhu u leeyihiin bulshada. Maamulka Gobolka Banaadir-na uu sii xoojinayo taageerada uu la garab taagan yahay dhiirigelinta iyo taabagelinta cayaaraha.

“Intii aad joogteen dalkiina Hooyo waxaan rajeynayaa in aad la kulanteen soo dhaweyn wanaagsan oo muujinaysa muhiimadda uu dalkiinu idiin leeyahay, taasoo idinku dhiirigelinaysa inaad mar kale dib u soo laabataan, siina joogteysaan isdhexgalka aad waddaan”.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa dhankeeda sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay booqashada ay ku yimaadeen kooxda Som United dalkooda, iyadoo xustay in sanadaha soo socda ay rajeynayaan kooxaha ka dhisan dalka dibeddiisa sidan oo kale in ay u yimaadeen Muqdisho, kuna dheelaan cayaaro saaxiibtinimo oo xoojinaya isdhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee daafaha Caalamka ku nool.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Sarakiil Ciidan, Guddiga Xiriirka kubadda Cagta iyo marti sharaf kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.