Maxaa kasocda oo ay wadaan Ardaydii Gabre dadku ma ku baraarugsan yahay

Gabre

MAXAA KA SOCDA SOOMAALIYA OO AY WADAAN ARDAYDII MACALIN KORNEYL GABRE ,DADKU MA KU BARAARUGSAN YIHIIN?

Dadka Soomaaliyeed waa in mar kasta ay indhaha ku hayaan khataraha ku soo fool leh ee cadawgu mar kasta u maleegaayo,Soomaalidu ha is weydiiso in ka badan todoba qarni waxa dagaal caalamiya loogu hayo,sidoo kale ummaddu hadaysan waxa soo kordha ka faa,ideysan waxay lumisaa jiritaankeed,Hankeeda ,karaamadeeda iyo qabkeedii oo Meesha ka baxa,waxaana loo adeegsadaa dhuuniraacyo aan jiilka danbe u naxayn bulshada hadda jirtana aan dantooda ka fakarayn ee hankoodu yahay wax ay maalinkaas jeebka ku qaataan.
Qof kasta xilbaa saran,naftiisa ,reerkiisa, iyo bulshaweynta Sooamaaliyeed,waa wax isku xiran oo aan kala maarmayn,hantida ay leeyihiin oo jiritaankoodu jiilba jiil ka dhaxli karaana waa dhulka oo weliba la rumeysan yahay in uu kamid yahay kuwa adduunyada ugu khayraadka badan,waana taas sabata keentay in laguu quuri waayo oo in ka badan todoba qarni(700 sano)dagaal caalamiya kuugu socdo,marka laga soo bilaabo Axmed Gurey ilaa manta
Haddaba dadka Soomaaliyeedoow!maanta ka hor cadawgu idin kama ilhelin,waxaad lahaydeen damiir nool iyo dareen wadani ah oo hagardaamadii aad in taas uga soo gudubteen aad uga badbaadi jirteen arintaas afartan sano oo la soo dhaafay,waa toban sano oo 1991dii ka horeysay iyo sodon sano oo dawlad la,aana baa waxaa nagu dhacay MASKAXDHAQID ,wadaniyadii,Soomaalinimadii qabkii iyo karaamadii qofka Soomaaligaa lahaan jirey baa nala ka tirtiray,ogaada Meesha nala ka soo galay waa kuwa aan kor kum soo sheegay ee dhadhamaraacyo u adeegaya shisheeye ,hubka loo soo dhiibay oo ka xoog batay owood milatari iyo hub laysku maquuniyo oo awal Soomaalida wax badan lagu dayey laguna hungoobay waa QABYAALADA.
Laba iyo toban sano oo u danbaysay baa dhibaatada ugu weyn ku habsatay Soomaaliya ,wxaana u geystay Korneyl Gabre iyo Emaraadka(WAXAY NA
BADEEN WAXAY NA BAREEN BAA NOOGA DARAN),waxay tababareen maxishoodayaal malabsi bartay,manaxayaal ah jeebkooda kaliya ka fekara,ku waasna waxay u sameeyeen Kabiir iyo kaaliyayaal caasimada Muqdishow iyo gobolada jooga oo wada shaqeeya,in kasta oo KORNEYL GABRE xabsi ku jiro ayyaga weli weyshaqaynayaan,waxay adeegsanayaan qabyaalad iyo goboleysi,labada sano oo xukuumada nabad iyo nolol shaqeynaysay ma ayyan nasan,waxay u taagnayeen in ay sameeyaan shaqo curyaamin si aan horay loogu socon,waxaa ka fashilmay mooshino wada beenabuur ahaa iyo dacaayado aan meel haysan,dhammaan arimahaas waa ku hungoobeen,sidaas awgeed waxaan idin baraarujinayaa in iminka ay bilaabeen in ay adeegsadaan hubkii ugu weynaa ee awalba lagu naafeeyey Soomalida waa QABYAALAD,bal eega shirarka xamar ka dhacaaya oo rag madaxwyne dalkaan ka noqday,iyo kuwo iskusharaxay madaxweyne horboodayaan oo dhammaan looga dhawaaqayo annaga reer hebel ah,nin damac uga jiro in dalkaan hoggaamiye ka noqdo reer iyo jufo in uu laabto bal qaymeeya.
Ugu danbayn ogaada in ay adeegsanayaan arimahaan Soomaaliyee;
1-Shirar qabyaaladeed oo ninba jufadiisa loo adeegsanaayo maadaama aan aad ugu nugul nahay QABYAALADA, arintaas inta badan Xamar bay ka socdaan.
2-Dacaayada wax lagu duminaayo oo aan kala go, lahayn oo weliba kharash lagu bixinaayo.
3-Dagaal beeleedyo laga abaabulayo shacbiga miyiga ayyada oo qaar ka mid ah shisheeye u shaqeeyayaalkana loo diray degmooyinka kuwo ka mid ah.
4-Kharash badan waxaa ku bixinaaya arintaan shisheeye ay ugu horeyso Emaaraadka.
Ujeedada laga leeyahay waa in cadwgu arkay in Soomaaliya horay un socoto lana doonaayo in laga horistaago higsigeeda iyo horumarka hilaacaaya,isku soo wada duuboo cadawga dibada iyo kan gudaha ee iskaashanaaya qodxaha iyo jilaafooyinka ay wadaan oo ay ugu daran yihiin ardaydii macalin kornayl Gabre,waxaad ogaataan haddii aydnaan meel uga soo wada jeensan in Soomaalinimadu Meesha ka baxayso,waxaana loo socdaa in sidii Midoogii Soofeedka iyo Joslafaakiya maabka adduunka laga waayo magaca SOOMAALIYA.!Haddaba kala doorta qabyaalada durbaanka loo tumaayo oo qaranka lagu duminaayo oo ay wadaan Kabiirka iyo ardaydii Korneyl Gabre iyo in aad ilaashataan xukuumada nabad iyo nolol oo magaca Soomaaliya asaga oo karaama leh maabka adduunka ka muuqdo.
WABILAAHI TOWFIIQ.
JIMCAALE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.