Dhageyso:Wasiir Bayle Oo Ka Jawaabay Warbixin Ay Soo Saareen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka Jawaabay Warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay xaq u leedahay inay Warbixin soo saaraan oo ay ku kor joogteynayaan Wasaaradda Maaliyadda laakiin wuxuu soo jeediyay inay ku wanaagsaneyd in Labada dhinac marka hore ay isla hubiyaan waxa Bulshada loo gudbinayo.

“Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha.
“IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay, annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay Kordhinta Dakhliga”.
Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.