Daawo:Madaxda Aqalka sare oo la Kulmay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland

mawliid

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Aqalka sare kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ku xigeenadiisa.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka dib ka warbixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Aqalka sare iyo Samuli Virtanen.
“Waxaan bogaadineynaa inuu soo booqday Aqalka Sare, Kulan ayaan la yeelanay wuxuu waday Fariin iyo Salaan uu ka sido Madaxda iyo Shacabka Finland, Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah Xoojinta Xiriirka Labada dal, Doorka uu leeyahay Aqalka sare iyo sidii loo hormarin lahaa Federaalka.
Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay isla garteen in Dowlada Finland ay ka qeyb ka qaadato Hormarinta Federaalka Soomaaliya iyo xalinta tabashooyinka ay Dowlad Gobaleedyada ka qabaan Dowlada dhexe.
“Waxaan isla garanay in Dowlada Finland ay door wanaagsan ka qaadato xalinta wada shaqeyn xumada dhex martay Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada iyo sidii Midowga Yurub iyo Dowlada Finland u taageeri lahaayeen Nidaamka Federaalka oo ku cusub Soomaaliya, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Wasiirka, inuu fariin fiican la noqon doono ayaan rajeyneynaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.