Axmed Madoobe oo dil ku fuliyey Askari katiraan Daraawiishta Jubbaland

Askari

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo katirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27-dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

Askariga saaka la toogtay ee Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa kamid ahaa koox ka koobnayd 11 ruux kuwaasi oo dhamaantood lagu riday xukunno ku saleysan denbiyadii ay galeen oo ahaa abuurista falal amni darro oo uu qayb ka ahaa dilka Nabadoonka.

Nabadoon Xassan Goolo oo ku baxay gacanta askariga saaka la qisaasay xilligaas wuxuu kooxda ugu tegay waan waan iyo in uu ku qanciyo joojinta falalka ay ku khal khal gelinaayeen nabadgelyada.
Xigasho tvga Jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.