Dhagayso:Xaaf oo wakiilka QM Nicholas Hesyom ushegay in dowlada faragalinta ka dayso

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa la kulmay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Ducaale xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku suganaa magaalada Gaalkacyo, waxayna ka wada hadleen ka qeyb galka shirka Dowladda ku baaqday iyo dhexdhexaadinta Dowladda iyo dowlad goboleedyada iyo Khilaafka ka dhex Jira maamulka galmudug.

Xaaf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wakiilka qaramada midoobay uqaabilsan soomaliya ay u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay doonayaan in dowlada Faragalinta ka Dayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.