Wasiir Qarjab oo digniin u diray Musharaxiinta Madaxwaynaha Puntland

qarjab

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo la hadlay Wqrbaahinta ayaa wuxuu ka hadlay musharixiinta fara badan ee soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland.

Wasiirka Qarjab ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta imaanaya deegaanada Puntland ,isla markaana amnigooda uu masuul ka yahay Maamulka Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Qarjab ayaa Shaaca ka qaaday in Puntland aysan marnaba aqbali doonin hub culus iyo Gaadiidka dagaalka oo fowdo iyo rabsahda abuuri kara, islamarkaana lala soo galo Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa  in ay ka dhacdo doorasho 2019,waxaana halkaasi gaaraya maalmihii ugu dambeeyay  musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.