Gadiid Looga Shakiyey inay Hub wadaan ayaa lagu Xayiray Cadaado

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay sheegayaan n duleedka Magaalada Cadaado ku xaniban yihiin Baabuur looga shakiyay inay hub saaran yihiin.

Baabuurtaan oo ah nooca waaweyn ee xamuulka qaada ayaa ka yimid dhanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaana la sheegayaa inay doonayeen Magaalada inay sii dhexmaraan oo dhanka Dhuusamareeb u gudbaan.

Gaadiidkaan ayaa lagu xanibay cadaado kadib markii looga shakiyay inay saaran yihiin hub, islamarkaana ciidamada ay baaris ku bilaabeen lama garanayo inay hub uwadaan Dhuusamareeb iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.