Ciidamada dowlada oo Fuliyey Hawgal lagu dilay koox shabab ah

shabab

Share on Facebook

 

Tweet on Twitter

  

Ciidamada xoogga dalka ayaa hawlgallo ka wado deegaanno hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

 

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka hawlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, waxaana laga furtay saanad ciidan.

Howlgalkaan oo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loogu talo galay in Argagixisada looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay maleeshiyada Al-shabaab sanado maamulayeen, si shacabka looga dulqaado cadaadiska ay ku hayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.