Akhriso:Madaxdii Maamul Goboleedyada Soomaliya oo Bam ay Gacmahooda ku sameynayeen ku qarxay W/Q Jimcaale

jimcaale

Waxaa hubaal ah in shirkii Garoowe ee madaxda maamulada gobolada Soomaaliya iskugu tageen ay ku tashadeen in jiritaanka dawladnimada ummada Soomaaliyeed ay u sameeyeen bam weyn oo awoodiisu dhan tahay in uu haligo dalka iyo dadka Soomaaliyeed,taasoo in ninba in uu qayb soo sameeyo lagu heshiiyey si markii nin walba soo dhameeyo qaybtiisa laysugu rakibo si loo halaago jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxaa lays weydiin karaa maxaa ku kalifey? Jawaabtu waa laba arimood sida aan warka ku helay lagana yaabo in badan oo la socotay in ay jirto.
1-Waa tan koowaad ee markay dib u xisaabtameen dibindaabyadii ay qaranka u geysteen Guud ahaan iyo gaar ahaan goboladii ay sida gaarka ah uga talinayeen waxaa u soo baxday in ay fashilmeen oo aysan saaxada siyaasada dalka Soomaaliyeed mid gobol iyo mid qaran midna ku soo noqon doonin.
2-Marka labaadna Dawladii Emaaraadka oo awalba haadaanta ka tuurtay masiirkii siyaasadeed ee ay lahaayeena in ay lumiyaan ka danbeysay sandareertooyin ay horey ugu qabeen oo lugooyada dalka Soomaalida u adeegsan jirtay , waa wixii ay horay ugu bixiyeen waa (Qaraabanayna )oo si cad ay uga sheegi jireen Saxaafada ayaa Garoowe ugu keentay $12.000,000,lacagtaas oo ninkiiba la siiyey min $ 3,000,000 ,ujeedaduna ahayd in ay xaalada dalka sii murgiyaan Emaaraadkana raaligeliyaan.
Qoraal aan qoray 25/10/18 ayaan ku sheegay in dadka Soomaaliyeed niyadooda iyo dadnimadoodu weli nooshahay oo ayyan afarta Ardaal laga yeeli doonin in ay haligaan Soomaliya arintaas oo si deg deg ah dadka ku nool gobolada Soomaaliya ka jawaabeen si ay u badbaadiyaan dalkooda iyo dadkooda,oo maxaa dhacay?
1-Bulshada puntilaand oo madaxdii ciidamada, culumaa,udiinka iyo shacbiguba uga falceliyeen in shirkaas uusan danahooda iyo kan qaranka ee isku xiran uusan ka turjumeyn kuna tilmaameenn qaran dumis.
2-Galmudug oo awalba intii badneyd Xaaf qaati ka taagnaayeen oo qaybtii ku harsaneyd ay aragtay in meel aan munaasib ahayn loo hayaamiyey kana hor yimid qorshii duminta qaranka ee Xaaf u soo qaaday.
3-Shariifka Baydhobo oo daad qaaday markii ilaaladiisii gaarka ahayd ka biyo diideen wixii ka soo yeeray Garoowe kuna kaliftay dantu in uu ilaalo kale samaysto.
4-Axmed Madoobe maalintii uu kismaanyo ku noqday tii xigtay dhiig baa ku daatay oo ciidamadiisii buu qaar laayey qaarna xabsiyada ka buuxiyey,markii ay yiraahdeen sidaad wax ku wadaa sax maaha.
Isku soo wada duud bamkii loogu talagalay in lagu haligo qaranka Soomaaliyeed oo samayntiisa afarta nin ninba qayb shaqo guri(HOME WORK) u soo qaatay in uu soo sameeyo dabadeedna laysu keeno oo laysku rakibo nin walba qaybtii uu gaarka u samaynaayey baa ku qaraxday ayyagaana gacmahooda isku haligay ayyaga oo aan cidna eersaneyn.Aan ku soo gabagabeeyo

(GOD WALAALKAA HA QODIN HADAAD QADANA HA DHEEREYN KU DHICI DOONIDAANA MA OGIDE).
W.QORAY,CABDULLAAHI JIMCAALE FAARAX.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.