Sheekadii Xiisaha lahayd Muuna Miiggane: Q2aad (Sheeko taxana ah)

kufi

Sowtan ma aha Cabdiyo, isbitaalada ka dhamaanla, sowtan sida ay jidhka uga dafeetowday maskaxdana uga dhaawacantay. Cabdiyo iyada oo magaalada Balad-xaawo, caano u soo qaaday ayaa askar Kenyan ah oo u igman la dirirka argagixisada meel ku qabatay, ka dibna inta af-duubeen ayay kufsadeen, saddex nin oo feedha waaweyn markay isu dabamareen ayaa miyir ugu dambeeysay, xanuunkii ayay la suuxday kolkay dantoodii ka gaadheen ayay askartaas cawaanta ah meeshii uga tageen iyadoo suuxsan, ilaahay baa dad ku soo bixiyay markii hore in ay mayd tahay baa la mooday, waxaase la arkay in wali nololu ku dambayso.

Isbitaal baa loola cararay, Balad-xaawo markii waxba lagaga qaban waayay ayaa Maandheera loo gudmiyay, dhakhaatiirtii waxay sheegeen Cabdiyo, in si xun wax u gaadheen “ilaa toban nin ayaa fuushay gabadhaas yar” sidaas waxaa yidhi dhakkaatiirti baadhay miskiintas. Muddo ayay koomo ku jirtay. Cabdiyo, waxay soo miyirsatay iyadoo isbitaal Maandheera ku yaala ku jidha. Indhaha markay kala qaadday waxaa agfadhiyay gabadh kal kaalisaa ah oo dhar cad wadata. Cabdiyo geesaha ayay fiirisay waxay aragtay qolka ay ku jirto iyo sariirta ay dul taalo, maxaa meel danqanaysa, maxaa dhaawac ku yaala, maxaa diif ka muuqata oogadeeda. Gabdhii la joogtay ayaa faraxday, hal mar ah ayay kor u ugu dhawaaqday “alla way miyirsatay” oo hadana af qalaad ku hadashay.

Daqiiqad ka dib waxaa qolka illinka ka soo galay nin madow oo dhar cad ku la bisan, san weyn iyo timo jareer ah ayuu lee yahay, waa itaal dhexaad aad u feedha weyn, Cabdiyo markay in dhaha ku dhufatay ninkaas way naxday, way argagaxday, waxaa ku soo dhacay maankeeda nimankii saddex bari ka hor sida arxan darrada ah u hoolifeeyay, kii ugu horreeyay ee ku bilaabay ganaf-ganfaynta iyo kani wayba isu waji egyihiin, midabka, muqaalka, murqaha waaweyn, sanka, timaha, lama kala garto, dirayska unbaa u kala duwan. “Alla ninku ninkii u ekaa mindhaa waa ina adeerkii iyo mooyi walaalkii wuxuu yahay” sidaas ayay niyada ka lahayd.

Ninkii ayaa hadlay, Af qalaad ayuu ku hadlay, luuqadii dorraad nimankii askarta ahaa ee kufsaday ku hadlayeen ayuu isna ku hadlayaa, -Af-sawaaxili- gabadhii dharka cad qabtay ayaa ka turjumaysa, Cabdiyo, garatay ruxuu in uu dhakhtar yahay laakiin hadda dhibkii Cabdiyo, soo gaadhay waxaaba kagaran oo ciil ka hayaa, waxa ninkan loogu keenay, colaaddii ay Kenyan-ka dhammaan u qaaday ayaa durba xidida raacday iyo xubnaha jidha oo dhan.

“Waddanka ma dhakhtar kalaa laga waayay, maxaa addoonka laguugu keenay? Mise inta jidhkaaga dhaawaca ah ka soo hadhee hanbada ah ayaa isna lagu masuumay”? su’aalahaa iyo kuwo la mid ah ayay is waydiinaysaa. Cabdiyo, miyeysan ogayn in dadka Gedo ku nool oo dhanba Maandheera caafimaad iyo dakhtar u doontaan, todobada degmo ee Gedo ka koobantahay -Garbahaarreey, Baardheere, Beled-xaawo, Luuq Doolow, Buur-dhuubo- intaasba uumiyaha ku nool ayaa Maandheera u caafimaad taga! Oo may inta isu tagaan Isbitaal ay kaga kaaftoomaan dhistaan? Mooyi. Sow Maandheera magaalo magaalo liqday maaha?! mayee waa magaalo Gobol dhan liqday! mayee waa dhaqaale dhaqaale liqay! mayee waa waxbarasho waxbarasho liqday! Mayee waa dhaqan dhaqan liqay! mayee waa dhismo dhisma liqay! mayee waa bilic bilic liqday! mayee waa dad dad liqay! iyo dal dal liqay. “Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay”.

Sawaxankaas iyo su’aalo kaleba iyada oo maskaxda Cabdiyo, ee curdanka ah ka guuxayaan ayay dhaawac tahay oo ay taalaa Isbitaal ku yaala meel aynan jeclayn, dhakhtar ayna jeclay waxay u dhaawacan tahay si ayna jeclayn. Intii ay Isbitaalka ku jirtay Cabdiyo, waxay ogaatay dhismaha magaalada Maandheera, kala badh reer Gedo in ay leeyihiin, maxaa fuuqaq dhaadheer iyo dabaqyo ay ka taageen oo ma ayagaale maxay dhulkan u dhisteen? May gobolkooda dunsan dhistaan? Dee amaan la’aan! Oo maxaa ammaanka ka qaaday?! Dee wadaniyadda ayaa ka maqan! Maye way ku yartahay! Mayee dhulkanba ayagaa la haan jiraye jinni ka xoog weynbaa ka xoogay! Mayee soomaalidoo dhan baa dhaqankaas le’e oo meel aysan lahayn isku barakaadiye sow maad arag kuwa dabaqyada ka dhistay Nayrobi iyo meela kale oo badan.

W/Q: Muxammed Rashaad Muxyaddiin.

Kala xariir: saajid4045@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.