Sawiro:Xaalada Kismaayo oo qasan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland oo kulan Dag daga la yeeshay Saraakiisha Ciidamada

Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “janan” ayaa maanta waxuu kulan dag daga la yeeshay saraakiisha ciidamada Jubbaland waxaana laga wada hadlay sare u qaadida hawlgalada xaqiijinta ammaanka Magaalada Kismaayo iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Weeraro ay soo qaadeen Beelaha Jubbaland oo isku aruursaday duleedka Magaalada kismaayo.

Beelaha Daga jubbaland ayaa waxay isku aruursadeen Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Jubbaland iyagoo doonaya inay kursiga ka tuuraan Maamulka Axmed madoobe ee Ka Arimaya Magaalada Kismaayo kaas oo Tacdiyo badan ugaystay Shacabka jubbAland sida Dil,Boob iyo Burburinta Hantida shacabka,Kufsi iyo Masaafurin loo gaystay Xildhibaano, Waxgarad, Haween, wariyaal iyo Dhalinyaro.

Maalmo Kahor waxaa Magaalada Kismaayo Gudaheeda Dagaal sababay Dhimasho iyo dhaawac ku dhex Maray Ciidamo ka kala tirsan maamulka Jubbaland waxaa kaloo dagaal kaas geeystay burbur soo gaaray Dhismayaasha Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Degmooyinka Jubbaland waxaa ka dhacay Bananbaxyo looga soo Horjeedo Madaxda sarre ee Jubbaland kuwaas oo ku fashilmay Hogaanka jubbaland.

JUBA

JANAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.