Daawo:Shacabka Soomaliyeed oo ku dhibaataysan Garoonka Diyaradaha Muqdisho iyo Amaradii wasiirka Duulista oo shaqayn waayey

wasiir

Shacabka Soomaliyeed ee ka dhoofa Garoonka Aadan Cade ayaa waxaay ku qaban Dhibaato badan iyakoo garoonka Gudihiisa Fadhiya inta udhaxaysa 5-7 saac iaydoo aan wax magdhow ah laga siinayn waqtigii tirade badan ee garoonka iska fadhiyeen mararka qaarkood waxaa la dhaaha taagni diyaarada ku raaca taas oo kasoo horjeeda nidaamka Diyaradaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oo Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Garoonka Diyaadaha Aadan Cade 5 bilood kahor waxuu soo saaray amaro kuwaas oo ku aadan Duulimaadka waxaana uu sheegay dadka safarka ah ama rakaabka ah looga baahan yahay in ay gudaha Garoonka tagaan 3 sacadood ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay Diyuuradda ku qoran yihiin.
Diyaaradduna aysan 3 ka badan dadka aysan Garoonka ku heyn karin isagoona intaasi ku daray in Diyaaraddaha aan rakaab kale la saari Karin iyadoo laga tagaayo kii horay u sugaayay.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay talaabada laga qaadayo Diyaaradaha amarkaas jabiso talaabooyinka laga qaadayo waxa ay iskuugu jiraan ganaax lacag ah shaqo ka joojin iyo in lagala noqdo rukhsada dulimaadka ee ay kaga shaqeysanayaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
“Diyaaraddi amarka jabiso marka koowaad waxaa la ganaaxayaa $2000 oo dollar.
“Marka labaad waxaa laganaaxayaa $2000 oo dollar muddo 7 cisho ahne shaqada ayaa laga joojinayaa
“Marka Seddaxaad ee ugu dambeyso waxa la ganaaxayaa $2000 oo dollar iyadoona lagala noqonaayo rukhsadda ay gudaha dalka ugu shaqeysaneysay ee dhanka duulimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.