Daawo:Ra’iisul Wasaare Kheyre oo furay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si rasmi ah u furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka socda Muqdisho.
Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.
Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan, Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho Waxaana Halkaas Ku dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, iyadoo shalay Muqdisho ay soo gaareen wafdi hor dhac u ah madaxda maanta timid Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.