Dalka Kuwayt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Share on Facebook

 

Tweet on Twitter

  

Dowladda Kuweyt  ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo iminka mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.

 

Baaq  ayaa ka dambeeyay kadib markii, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga  ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyayShirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wasiirku intaa raaciyay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin  dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya,isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka  ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.

Wuxuuna Wasiirka cadeeyay in hadafkaasi oo dowr weyn ka qaadanayo xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka,wuxuuna intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho  ka fog afkaarta xagjirnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.