Daawo:Soomaaliya oo marti-galineysa kulanka Dalalka Iskaashiga Islaamka

waftisilam

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho Berri oo Sabti ah.
Wufuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay Berri yimaadaan.
Xubnahan Maanta yimid ayaa ka kala socda Dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb geli doona shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti galineyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.