Ciidamada Dowlada oo Cagta mariyey Koox katirsan argagixisada Al-Shabab

shabab

Sarkaal sare oo Ururka Al-Shabaab u qaabbilsanaa Canshuuraha ayaa lagu dilay howl-gal ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada hoose.
Horjooge ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo aan Magaciisa la shaacin ayaa lagu dilay weerar Qorsheysan oo ay Ciidamadu ka fuliyeen Laba Cisha ka hor degaanka Bariirre, sida ay Khamiistii Shalay ahayd sheegeen Saraakiisha howl-galka AMISOM.
Axaddii Todobaadkan ayay ahayd markii Ciidamada is-garabsanaya ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Argagixisadu ku lahaayeen Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyadooda Argagixisanimo u adeegsada Lacago iyo Xoolo ay si qasab ah kaga qaadaan Shacabka ku nool goobaha ay ka dhow yihiin, iyagoo sidoo kale macaash ka raadiya Canshuurta ay ka qaadaan dhoofka Dhuxusha sharci darrada ah, sida lagu sheegay war-bixintii ugu dambeysay ee ay QM laanteeda la socodka cunaqabataynta Soomaaliya soo saartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.