Muuqaal:Golaha shacabka oo aqrinta 2-aad marsiiyey hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka Qaranka

mursal

Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sool, isaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.