Daawo:Dadka Dagan dhismaha Madxafka Qaranka oo muddo 20-maalmood ah loo qabtay inay uga guuraan

matxafka

Guddiga loo xilsaaray soo-nooleynta Matxafka Qaranka ayaa maanta markii labaad booqday Matxafka oo qeyb ka ah dib-u-soo-nooleynta Magaaladda Dhaqanka ee Muqdisho (Mogadishu Cultural City) oo ka kooban Matxafka, Tiyaatarka iyo Maktabadda.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo Guddiga Guddoomiye u ah ayaa Waxaa Kormeerka ku wehlinayey Wasiirka Amniga Qaranka, Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Masuuliyiin kale oo Guddiga kamid ah, waxaana ay la kulmeen dadka degan Matxafka.
Guddiga ayaa Waxa ay dadka deggen Matxafka mar kale ugu celiyeen inay dhismaha ka guuraan ugu dambeyn 15-ka Nofembar 2018, si dib loogu dhiso Ololaha Is-xilqaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.