Akhriso:Wariye Jiijiile ayaa sheegay kismaayo dadka Kunool in afduub lagu haysto

jiijiile

Wariye Abdiqaadir jiijiile oo mudo ka shaqaynayay jubbaland aadna uga warqabo nidaamka Axmed Madoobe wax ku hogaamiyo ayaa sheegay in kismaayo ay tahay Magaalo dadka ku nool afduub lagu haysto wuxuuna tilmaamay in dadku naceen Axmed Madoobe kuna fashilmay hogaaminta jubbaland.

Wariyeha ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in xildhibaano iyo siyaasiin kasoo jeedo Jubbbaland laga soo tarxiilo deeganadooda dibna ugu noqon karin wuxuuna yiri kismaayo waxay noqtay sacuudiga.

Sidoo kale wariyaha ayaa ku eedeeyay in Axmed rabo inuu xukunka ku dheeraysto qabyaalad iyo isku dirka beelaha wuxuuna cadeeyay in inta badan xilka Jubbaland hayaan jifada hoose ee Axmed Madoobe ka dhashay.

Gabagabdii ayuu Mudane Abdiqaadir Jiijiile sheegay dadka reer Jubbaland in madaxweynaha Jubbaland u bixiyeen magacyo ay kamid yihiin been Madoobe iyo qalbi madoobe, taasoo muujinayso nacaybka xoogan ee u qabaan dadka deegaanka hogaamiyaha fishilmay ee jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.