Cabashada Ciidamada Jidwaaq ee Kismaayo Waa Gar Hadii loo Garamayo

yuusf

Suuragal ma ahan in cutubyo ka mid ah ciidanka Jubaland magac beeleed lagu faquuqo amaba la dhaho hub ka dhigis ha lagu sameeyo. Waa arrin ugub ku ah arrimaha ciidamada ee Jubaland mana aha mid la qaadan karo. Sida warar hoose sheegayaan, waxaa beryahani ku soo qulqulaye Kismaayo ciidamo ka soo baxsanaya dowlad degaanka Soomalida ee dalka Ethiopia oo aay hore dembiyo waaweyn ka geysteen. Ciidamadaadi oo ka baxsanaya in dunuubtii aay galeen loo hor geeyo maxkamad, xabsina u galaan.
Maamulka Jubaland oo mar hore lumiye kalsoonidii shacabka ayaa maalmahan waxaa soo baxayaa in kalsoonidii ciidankana aay luminayaan. Waxaana soo badanaya ciidamo ka soo jeeda degaanka oo qaab beeleed u abaabulan oo ka goosanaya ciidanka. Arrintan gadoodka ciidamada ah waxay welwel ku abuurtay maamulka Jubaland oo aad moodo in gebi ahaan talladii ka jaha wareertay.
Waxaa soo baxaya ifafaalooyin shegaya in maamulka xaaladda la gashay meel halis ah, aayna qorsheynayaan sidii aay ciidamo dambiilayaal u badan oo ka yimid dhanka DDS-ta, tababar fiican leh u hubeyn lahaayeen, loona geyn lahaa xeryaha maran ee aay ciidamadii degaanka isaga bexeen. Balse waxaa jirta hub la’aan, waana ta kaliftay in la’isku dayo in ciidamadii degaanka qoryaha lagala wareego, lana kala diro. Ciidanka degaanka ma moogana dhagarta maamulka uu maleegayo.
Hadaba, Ciidanka beesha Jidwaaq sida ciidanka beelaha kale ee Jubaland waxay muddo 7sano ka hawlgalayeen aaga Kismaayo, ku dhimanayeen kulana dagaalamayeen Al-Shabaab. Waxaase ayaandara ah in cabashada aanan ilaa hadda looga garaabin. Waxaa taa u dheer handadaad, digasho, iyo in uu jiro shaki weyn oo laga qabo in la isku dayo hubka dhigis xoog ama xeelad midkii la doonaba haloo adeegsadee.
Gadoodka ciidamada JL waa arrin in badan soo noqnoqotay. Waxaa hore uga baxay magaalada Kismaayo ciidamo ka soo jeeda degaanada Diif, Kolbiyo, Bu’ale iyo hadda oo ah Xagar, Bu’ale iyo Kismaayo. Waxaan ka warqabnaa waxa ugu badan ee mar walba ciidamada ka cabanayaan waa mushaar la’aan, cadaaladdaro iyo eex iwm.
Waxaa xaqiiqa ah in aan la fududeysan karin tabashada ciidamada, in si dhab ah loo darso, wax la’iska weydiiyo waxa sababay in aay gadoodaan, sida ugu dhaqsaha badanna loo soo afjaro waa lagamamaarmaan.
Waxaan ka digeynaa arrinta isku dayga hub ka dhigista iyo faquuqa sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayo ciidamada ka soo jeeda degaanka, waayo waxay halis ku tahay jiritaanka ciidanka iyo nabadgelyada guud ee Jubaland.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA
Related article:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.