Top News:Gaas oo Dowlada Somaliya waydiistay Lacag 5 Milyan Dolar oo uu doorashada Puntland Ku galo

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Cabdiwali Gaas ahna Horjoogaha Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfurgalbeed ayaa waxuu codsi hoose u dirsaday Dowlada federaalka ah ee Soomaliyeed isagoo waydiistay lacag dhan 5 Milyan doolar oo uu Doorashada Madaxwaynaha maamulka Puntland ee dhacaysa sanadka soo socda Bishiisa Kowaad ee Janaayo uu uga qayb galo tartanka Madaxwaynayaasha Puntland, badelkeedna Madaxwayne Gaas ka baxayo Madasha Madaxda Maamul goboleedyada marka laga reebo Maamulka Goboleedka Soomaliyeed Hirshabeele oo horay uga Baxay.

Warar ay warbaahinta Gedotimes ka helayso ilo ku dhow Dowlada federaalka ah e Soomaliya ayaa waxay sheegayaan in dowlada Soomaliya ku gacan seertay dalabkaas ka yimid Cabdiwali Gaas iyadoo dowlad Soomaliyana ay Cadaysay inay dhamaatey xiligii Laaluushka iyo Musuq Maasuqa.

Dalabkaa Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas u dirsaday Dowlada Soomaliya ayaa waxuu Qiyaamo iyo Fashil ku yahay Madaxda kale ee Maamul goboleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed ee uu indhaha iyo Hogaamiyaha u ahaa kuwaas oo Cabdiwali gaas Siduu rabo wax uga dhaadhicin jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.