Oday Cabdi Xaashi Cabdullaahi Sidee Xaal ka noqday? W/q Jimcaale

cabdi

Maanta oo taariikhdu tahay 21/10/18 waxaan akhristay hadal yaab leh oo laga soo xigtay gudoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo aan is iri waa lagu been abuurtay ee dhab maaha,kuna saabsanaa khilaafka DF iyo maamulada Gobolada si cadna loogu baahiyey in dawlada dhexe ka caga jiideyso xal u helida khilaafka kala dhexeeye maamulada gobolada dalka.

1_Ugu horeyn waxay isku hayaan laba arimood baa u weyn waa aminiga dalka iyo siyaasada dalka,dastuurkii dalkana asaga baa gacanta ku haya oo loo idmaday in wixii is qabta uu ku kala saaro.
2_ labo waxaan la soconaa in madaxweyne farmaajo laba jeer gogol wada hadal fidiyey madaxda maamuladana afar diiday midkii ogolaadayna la xaliyey tabashadiisii,gogolshaasna weli fidsan tahay ee aan la laabin.
3_Waxaan la soconaa in ilaa hadda madaxda gobolada ay taagan yihiin meel aan dalka gudihiisa ahayn iyo cid saddexaad oo aan Soomaali hayn oo na wada hadalsiisa baan u baahanahay.
4-Weli ma hayno meel ay madaxda gobolada ku qoordhiibteen in aqalka sare galo arinta oo xamar lagu galo oo ay mowqifkoodii hore ka laabteen.
5-Mahayno shir ka denbeeyey kormeerkii aqalka sare ku kala bixiyeen gobolada warmurtiyeed aqalka sare ka soo baxay oo dawlada dhexe iyo maamulada laysugu yeeray.
6-kormeerkii aqalka sare ka dib eedihii maamuladu soo jeediyeen cida ay qusaysay in aqalku u yeero ayyagana la wareysto si ay iskaga difaacaan ,markaas ayyada oo xogbuuxda loo hayo dhexdhexaadin laysugu yeero ,ayyadana maanaan arag ama ma hayno.
7-Ugu danbeyn arrinta aan saakay akhriyey ee laga soo xigtay Gudoomiyaha aqalka sare ma filaayo in ay run tahay,haday dhacdayna waa arin welwel iyo murugo ku dhalineysa inta sama jeclahaa oo rajo ka qabtay in horay loo socdo.
-Waa arin dabkii shidnaa badrool ku sii shubaysa.
-Waa arin odayga ka dhigaysa in uu la mid noqday ma ku dhex milmay xildhibaanada caanka ka noqday labada gole ee tenega bala afuufkaa gacmaha ku haysata saacad walbana garaaca.
Ugu denbayn gudoomiye Cabdi xaashi waxaad bulshada dhexdeeda ku leedahay magac fiican iyo sumcad ann a waxaan ka mid ahay kuwa saas kuu qadariya sidaas awgeed hadalka aan saakay akhriyey ma qabo in aad tiri ee ka cududaaro,waayo xafiiskaagu waa mid go,aano iyo dukumeentiyo ku shaqeeya ee maaha hawshiisa in lala wadaago baraha bulshada ee balaayo abuurka ah.
Wabilaahi towfiiq,
Cabdulaahi Jimcaale Faarax.

jim

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.