Axmed Madoobe oo Magacowday afhayeenka Amniga xili New Bolis Kismaayo lawareegeen

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe oo ku fashilmay hogaanka Jubbaland hadana Godoonka ku ah Magaalada Kismaayo ayaa waxuu amar ku bixiyey in lamagacaabo Afhayeenka Aminga Jubbaland kaas oo loo magacabay Saciid Cabdi Budul.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo gaaray maalmihii dambe Ciidamadii New Boliska ee daacada u ahaa Madaxwaynihii hore ee deegaankla Somalida Cabdi ilay kaas oo hada kujira Xabsi kuyaala Magaalada Addiss Ababa ee dalka Itoobiya.

Ciidamadaan kasoo cararay deegaaka Soomalida Itoobiya ayaa waxay dambiyo ka gaysteen deegaandaas kuwaas oo ladoonayo in sharciga la horgeeyo ayaa hada waxay kusugan yihiin Magaalada Kimaayo ayakoo ku biiray ilaalada Axmed madoobe waxayna tacdiyo ka gaysteen Magaalada Kismaayo ayakoo fulinaya amarada kasoo baxay Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.