Golaha Aqalka Sare oo go’aamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4aad

aqalka sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir Guddoomiyay fadhiga 19aad ee ay yeeshaan Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare, kaasi oo looga arrinsanayay furitaanka kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka tashiga furitaanka kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare BFS ayaa dood dheer kadib waxa ay Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare BFS ay go’aansadeen in 15 bishan la furo kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka sida Warbaahinta Qaranka u sheegay Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqalka Sare.
“Fadhiga maanta waxa uu ahaa ajandaha oo looga tashanayay furitaanka kalfadhiga 4aad fikiro ayay Senatarada ka dhiibteen, waxaana ugu danbayn ay go’aansadeen in aqalka fadhiyadiisa la furo 15 bishan ee aan ku jirno” ayuu yiri Senator Cabdikaafi.
Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkanba waxa ay aad ugu mashquul sanaayeen dhamaynta is afgara waagii soo kala dhex galay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Dowladda Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.