Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey degmada Qoryooleey

shabab

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xalay Kooxda argagixisada Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen degmadda Qoryooleey loogu geystay jab xooggan.
Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay Khasaaro xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,isagoona tilmaamay in todobo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday la dilay halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in dhankooda weerarka uga dhintay hal askari,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in weerarka uu yimid xilli ay ka feejignaayeen Ciidamada Xoogga dalka,halkaasina ay ku jabiyeen.
Ciidamada Xoogga dalka oo dhowaan kooxda argagixisada ka saaray deegaanada Jilib-Marka iyo Gandarshe ayuu Guddoomiyaha Gobolku sheegay in hadda xaaladooda amni ay wanaagsan tahay,islamarkaana suurta gelisay in kooxda Al-Shabaab laga saaro dhulka xeebaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe maleeshyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ku teedsan Wabiga,maadama uu soo dhammaaday qorshihii deegaanada Xeebta Al-Shabaab looga soo saaray.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka wado Gobollada Koonfurta Soomaaliya,iyagoona kuwii ugu danbeeyay ku qaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.
Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.