Sawiro:Jaaliyadda Jubbaland ee gobolka Ohio ayaa kubaaqay in Axmed madoobe kursiga Baneeyo

Qaar kamid ah Jaaliyada ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ee gobolka Ohio ayaa isugu yimid shir ay uga hadlayeen arimaha Jubooyonka iyo guud ahaan Dalka Somalia.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanadaas ayaa diirada lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee ka jira Dalka gaar ahaana Gobolada Jubbooyinka.

Arimaha Looga hadlay waxaa ka mid ahaa caqabadaha siyaasadeed ee ku xeeran Jubbooyinka ayagoo farta ku fiiqay dhacdooyin dhowr ah oo deegaanadas ka dhacay gaar ahaan Gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo kuwaas oo sidii loo baahnaa uusan maamulka Jubbaland wax uga qaban.

Waxaa laga xusay Kufsi loo gaystay sadex gabdhood oo ay ciidamada Kenya kufsadeen kuwaas oo aysan ka hadlin, weeraro lagu soo qaaday shacabka xoolo dhaqatadaa oo dad ku dhintay isla markana aysan ka hadlin maamulka jubaland, Deeqaha waxbarashada iyo mashaariicda horumarinta oo aan gabi ahaan si siman loo gaarsiinin goboladda Jubbooyinka.

Dhinaca horumarinta deegaanada ayaa lagu sheegay in ay aad u liidato sida waxbarashada oo aysan ka helin kaalintii ay ku lahaayeen isla markaana lagu haayo xagal daacin muuqata, caafimaadka, iyo in maamulku uusan gudan mas,uuliyadii la saarnayd dadka iyo deegaanka.

Hanti baddan oo ay leeyihiin shacabka jubbooyinka oo lagu dhacay Kismaayo iyo dad lagu laayay oo agabi ahaanba si indha la’aan ah maamulku uga jeestay.

Ka qeyb galayaasha shirku waxay isku raaceen in loobaahn yahay isbadal siyaasadeed oo dhab ah oo ka dhasha goboladda Jubooyinka ayagoo ugu baaqay in maamulka haatan ka jira uu meesha ka baxo, maadaama uu ku guul dareystay helista kalsoonida shacabka iyo ilaalintiisa.

Dowlada dhexe ee Somalia ayay ku dhaliileen in ay ka gaabisay kaalinteedii ay ku lahayd xal u helida mashaakilka siyaasadeed ee Jubooyinka, ilaalinta shacabka deeganadaas gaar ahaana Gobolka Gedo, iyo in aysan dhex dhexaad ka ahayn xaalada murugsan ee halkaa ka jirta.

Ugu dambayn waxaa ay ugu baaqeen Dowlada Somalia in ay si dhab ah ugu kuur gasho xaalada dadka iyo deegaanadaas isla markaana ay siiso adeegyada ay xaqa u leeyihiin.

Waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shirkii kismaayo iyaga oo xusay in uu ahaa mid hareer marsan ahmiyadii Jubbaland u taagnayd iyo in Jubbaland aysan ahayn Kismaayo oo kaliya iyaga oo dhanka kale u hanbalyeeyay shacabkii meelaha kala duwan ama magaalooyinka qaar ka muujiyay dareenkooda ku aadan maamulkaasi iyo in ay la soo gaaray xiligii la dhagaysan lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay ugu danbeeyn muujiyeen in midnimadda Soomaaliya ay tahay lama taabtaan aysana jiri karin shaqsiyaad matalaya magacooda iyo deeganadooda oo arintaas ku tilaabsan kara.

Baaq ayay u direen maamulada iyaga oo leh Dowladnimada Soomaaliya waa in laga wada shaqeeyo sida ugu haboona loo xaliyo mushkiladaha taagan.

Muna Mohamed Nuur
usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.